Dhalinyaraddu, waa laf dhabarta bulsha kasta, oo Caalamkan ku nool, waxey dhalinyaraddu ka qeyb qaataan horumarinta Dalka iyo Dadkaba, waayo Dhalinyaraddu waa hogaamiyayaasha cusub ee u soo baxaya Dalka iyo Dadka mustaqbalka dhow.
Waxeyna xaq u leeyihiin, in ay ka qeyb qaataan dhaqdhaqaaqyada, siyaasadeed, kuwa horumarinta iyo mashruuc walba oo wax ku ool u ah Dalka iyo Dadkaba.
Haddaba, waayihii u dambeeyey waxa jiray Dad iyaggu ah wax ma garato oo Dhalinyaradda Soomaaliyeed u adeegsanayey wadooyin khaldan, sida Qarxin loogu sheegay in ay Janada ku tagayaan, balse xaqiiqada ka fog.
Waxaana loo baahan yahay in, qof is qarxi ku yidhaahda Janaad galaysaaye, in aad ku tidhaahdo, Janadda waa loo tartamaaye, Adigu iiga hormar waa kugu xigsanayaaye!
Ugu dambeen, dhamaan, Dhalinyaradda jecel wanaaga iyo horumarka Dalkooda iyo Dadkooda waxaan ku boorninaynaa in ay ka towbad keenaan, falalka xun xun ee lagu wax yeeleenayo shacabka muda dheer la daalaa dhacayey colaadaha, abaaraha iyo musiibuuyinka dabiiciga ah.
Fadlan, ogoow in aad wali heesataan fursad qaali ah oo aad dib ugu heli kartaan nolol xor ah oo aad uga mid noqon kartaan Shacabka caadiga ah.
Maantaba, ku soo biir walaalahaaaga Dhalinyaradda Maskaxda iyo Maanka leh.
Wixii talo iyo tusaale ah noogu soo dir, baraarujinta.barbaarta@gmail.com
Mahadsanidiin.
No comments:
Post a Comment